Taliska Booliska Degmadda X/weyne ayaa sameeyey barro cusub oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Degmadaasi

32

Taliyaha Ciidamada Booliska Saldhigga dagmada X/weynr Maxamad Daahir C/lle oo maanta wareysi gaar ah ku siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in amaanku uu yahay mid boqolkiiba boqol ah la iskuna haleynkaro ayna sameeyeen baro kontarool oo ku kala teedsan laamaha iyo tabeeleyaasha dagmada X/weyne.

Gaashaanle dhexe Maxamad Daahir ayaa intaa ku daray in ciidamada booliska dagmada X/weyne ay ka hortageen isku dayo maleeshiyaadka argagixisada ah ee al shabaab ay xiliyad habeenkii ah ku doonayeen in ay ku carqaladeeyaan amaanka dagmada.

Dhinaca kale taliyaha dagmada ayaa ku booriyay  shacabka dagmada iyo dadweynaha ku nool magalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka maagalada Muqdisho si looga hortago isku day walba oo al shabaab ay ku doonayaan in ay wax ugu dhimaan amaanka magalada Muqdisho

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.