Golaha Guurtida ee Uk oo la kulmay Guddoomiya Barlamaanka Soomaaliyeed+sawiro

45

Golaha Guurtida Soomaaliyeed oo beryahanba booqosho ku joogay magaalada Muqdishu ayaa waxaay booqosho ugu tageen Guddoomiya Barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Shekh Cusman Jawari.

Mudane Jawari wuxuu halkaasi ku siiyay Golaha Guurtida warbixin dheere oo ku saabsan xaaladda uu hadda dalka marayo iyo daruufaha adag ay ku shaqaynayaan, wuxuuna guddiga ku booriyay in dib u dhiska wadanka qayb balaaran laga qaato.

Sidoo kale wafdiga ka socday Golaha Guurtada oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Mudane Sharif Axmedey, ayaa halkas ugu mahadceliyay Gudoomiyaha Barlamaanka Mud. Jawari sidii diirneed loogu soo dhaweeyay dalka, waxayna halkas wafdiga ku balanqadeen in waxyaabihii ay kala kulmeen Soomaaliya ay garsiindonaan Soomaalida ku dhaqan wadannka Boqortooyada Ingriiska.

 

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.