Maamulka ku meel-gaarka Kismaayo oo shaaciyay Xiliga uu furmi doono Shirka maamul u sameynta Jubbooyinka

25

Macallin Ibraahim Maxamed  Guddoomiyaha Guddiga farsamada Maamul u sameynta Kismaayo ayaa shaaca ka qaadan in Guddiga loo xil saaray Sameynta maamulka ay soo afjareen How-shoodii ku aadaneyd in la sameeyo maamul

Macallin Ibraahim Maxamed  Guddoomiyaha Guddiga farsamada ayaa sheegay in Shirka maamul u sameynta Jubbooyinka uu furmi doono Febraayo 23

Macallin Ibraahim Maxamed  oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay soo afjareen howsha loo dhiibay waxa uuna yiri ‘’Shirweynaha maamul u sameynta Jubbooyinka waxan ka furi doona magaalada Kismaayo Sabti, Febraayo 23-keeda waxan rajeynaaya in Shirka uu ku bilowan doono Jawi fiican kuna soo idlaan doono Jawi fiican’’ Sidaa waxaa yiri guddoomiyaha Guddiga

Dhanka kale Macallin Ibraahim Maxamed  ayaa sheegay in Shirka ay goob-joog ka ahaan doonaan Ururka IGAD iyo Masuuliyiin ka kala socda Xukuumadda Somalia iyo Kenya, waxa uuna Guddoomiyaha sheegay in Shirka uu ahaan doono mid ay kuwada qanci doonaan Beelaha degan Magaaladda Kismaayo

Si kastaba ha ahaatee Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa iminka ka dagaaya Duyuurado ay saaran yihiin Madax ka kala socta Caalamka kuwaasoo la sheegay inay ahaan doonan kuwa u kuur-gala xaaladda Kismaayo iyo habka uu u dhici doono Shirka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.