Cabdi Jeylaani Malaaq “Marshaale” oo Muqdisho Lagu Dilay

63

Majaajiliistaha caanka ah ee Somalia ayaa lagu diley guri uu degan yahay hortiisa oo ku yaala Xaafada Waaberi ka dib markii labo nin oo bistoolado ku hubeysan oo aan la garaneyn rasaas ku fureen marxuunka.  Ciidaanka Booliiska oo goobta dilka ka dhacey gaarey ayaan u suurtogalin iney cid u qabtaan, mana jiro cid ilaa iyo hadda lagu daba jiro oo dilkiisa ka dambeeya.

Marxuunka oo dhaawac culus ka soo gaarey rasaastaas ayaa la geeyey Isbitaal Madiino, waqti yar ka dibna uu u geeriyoodey dhaawacii soo gaarey sida uu sheegey mid ka mid ah qaraabada marxuunka.  Cabdi Jeylaani Malaaq ayaa lagu naaneesi jirey Marsheele, waxuuna ahaa majaajiliiste Somalidu jecleyd, madadaaladiisa ayaa inta badan laga soo deyn jirey idaacadaha iyo TVyada somalida ee gudaha iyo dibada.

Marshaale Alle ha u naxariistee waxa uu la shaqeynayey Telefeshinka caanka ah ee Universal iyo mid ka mid ah idaacadaha ka jira magaalada Muqdisho.

 

Idale News Online “INO” Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.