Soomaali Tarxiil ah oo laga Soo Tarxiilay Dalka Sacuudga oo Qaab Lala yaabay lagu arkay(Daawo Muuqaal Ahaan)

34

Dowlada dalka Sacuudga ayaa waxaa la sheegay inay si xun oo bini’aadanimada ka baxsan ay ula dhaqanto dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkeeda iyo kuwa sida sharciga ah ku joogo iyadoona ay dadkaas ka qabqabato magaalada gudaheeda oo ayna xabsiga dhigto ka dibna u soo musaafurisa dalka Soomaaliya.

Dowlada dalka Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay inay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda ay dariiqyada iyo guryaha iyo goobo kaleba ay ka ugaarsato ayadoona aan u kala aaba yeeleyn inay dadkaasi ay sharci ku joogaan wadankaas iyo in kale iyadoona dadkaas Soomaalid xabsiyada la dhigo ka dibna loo soo musaafuriya dalkooda ka dib marka ay Soomaalidaas soo ku soo qaataan ama ay soo laqaan xabsiyo bilooyin ah oo ay ku jiraan xabsiyada dalkaas, iyadoona dhawaantaan laga soo dajiyey magaalada Muqdishu Soomaali isugu jirto rag iyo dumar oo tiradoodu ay kor u dhaafeyso ilaa iyo 100 qofood Soomaalidaan oo dhibaatooyin ku qaba inta ay xabsiyadaas ku jiraan ayaa sidoo kale waxaa laga soo musaafuriyaa dalkaas ayaga oo caga cad oo wax alla waxay heysteen lagala soo haray ama aan loo siin jaanis inay si sharaf leh uga soo baxaan dalkaas, Soomaalidaan oo soo musaafutintooda ka hor ku xirnaada xabsiyada dalkaas Sacuudiga mudooyin dheer ayagoo aan galin wax dambi ah islamarkaana waxa lagu soo eedeeyey ay tahay oo qura waxa keenay dalkaas.

[vsw id=”WvRAIAmVn1E#!” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Ugu dambeytiina iyadoo wax lala yaabo ah arxan xumada ay dowlada Sacuudigu kula dhaqmaeyso muslimiinta Soomaaliyeed ee ugu soo qaxay dalkooda si ay uga badbaadaan dhibaatada ka heysato dalkooda islamarkaana ay rajeynayeen inuu dalka Sacuudigu uu ku eegi doono il naxariiseed maadaama ay yihiin dad Muslim ah ayaa arintaas waxay noqotey riyo been ah ka dib markii Soomaalidaas laga soo musaafuriyo dalka Sacuudiga iyadoona kuwa ku noolna ay badankood ku nool yihiin cabsi iyo dareen ku joog, Dadka Soomaaliyeed oo madax adeyg iyo macangagnimo ku caan ah ayaa iyadoo xaalada Soomaalida ku nool dalka Sacuudiga ay sidaas tahay waxaa jira boqolaal Soomaaliyeed oo u xir xiran siday ugu tahriibi lahaayeen dalka Sacuudiga iyagoona arintaas iyo sida ay ku gaari lahaayeen dalkaas Sacuudiga u galiya qatar weyn nafsadooda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.