Kooxo Hubaysan oo Xalay Degmada Shibis ku Dilay Sarkaal ka Tirsanaa Nabad Sugidda

30

Sarkaal ka Tirsanaa Ciidanka Nabad sugidda ee Degmada Shibis ayaa habeenkii Xalay ahaa Kooxo Hubaysan waxa ay ku toogteen gudaha Degmadaasi.

Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Cali Abooto ayaa Kooxo ku Hubaysan Bastoolado ay weerar ku soo qaadeen  kuwaasoo dhowr xabadood la haleelay.

Kooxha Dilka gaystay ayaa markii goobta isaga baxsaday iyadoo halkaasna ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa markiiba waxa ay baaritaan ugu dhasqaaqeen degmada gudaheed iyagoona ku raad jooga in ay gacanta ku soo dhigaan Kooxihii falkaas ka danbeeyay.

Guddoomiye ku Xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka Gobolka banadir Warsame Joodax oo dilka sarkaalkaas ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ay u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah Kooxihii Dilka u gaystay Sarkaalkaas ka tirsanaa Nabad Sugidda.

Guddoomiye ku Xigeenka ayaa xaqiijiyay dilka Ninkaas isagoo dhinaca kalena amaanay Ciidamada ammaanka oo uu sheegay in ay ku Guuleystaan in ay soo qabtaan mid ka mid ah Raggii Falka gaystay haatana ay ku Raad joogaan ninkii kale oo goobta ka cararay.

Waresame Joodax ayaa  ugu yeeray Bulshada ku dhaqan Degmada shibis in ay gacan siiyaan Ciidamada ammanka ku hawlan si looga hor tago falalka ay ku kacayaan Kooxaha ku hawlan falalka amni darro ee Degmadaasi.

Ma aha markii u horeeyay ee Falal qarax ama Dilal qorsheysan ay ka dhacaan gudaha Degmadaasi iyadoo maamulka degmaduna uu marar badan ku cel celiyay in ay wax ka qabanayaan falalka amni darro ee ka jira Degmada Shibis.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.