Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo saaka howl galo ka wada Dayniile iyo Hodan

49

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa saaka howl galo baaritaano ka wada degmooyinka Hodan iyo Dayniile, halkaasoo xalay lagu weeraray saldhigyo ciidan.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa aroornimadii hore ee saaka ku dheelmaday Xaafadaha Shiirkole, Albaraka, Warshadii Caanaha, nawaaxiga Wasaaradii Gaashaandhiga iyo Xaafado ka tirsan Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in howl galkan uu ka duwan yahay kuwii hore, iyadoo dad saaka ka soo kalahayay guryahooda lagu amray in aanay ka soo bixin, waxaana ciidamada ay mid mid u galayeen guryaha.

“Saakay markii aan soo dukanay salaada subax waxaa xaafadeena soo galay ciidamada dowladda, kadib waxaa soo xoojiyay ciidmaada AMISOM, hada baaritaano ayay nagu wadaa, guryaha qol qol u baarayaa, dhulka xataa meel wax ku duugan yahay iyo in kale waa faagayaan”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Xaafada Al-Baraka.

Howl galkan ayaa jawaab u ah weerar xalay ka dhacay Dayniile, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay, hase ahaatee ciidamada saaka howl galka ka wada xaafadaha ayaa dad badan qab qabtay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.