Weerar xalay lagu qaaday Saldhig ciidan oo ku yaala degmada Dayniile

52

Xoogag la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ay degenaayeen Ciidamada dowladda oo ku yaala degmada Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan loo adeegsaday qoryaha garbaha laga tuuro iyo hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo iska hor imaad muddo kooban socday uu halkaas ka dhacay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraray Saldhig lagu magacaabo Ubad-kaal oo fariisin u ahaa ciidamada dowladda, lamana oga qasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale weerar madaafiic ah ayaa xalay lagu qaaday fariisin ay wadada Warshadaha ku lahaayeen ciidamada dowladda, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarada ay ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen, isla markaana ay qasaare u geysteen ciidamada dowladda.

Xalay ayaa magaalada waxaa ka dhacay qaraxyo bambaano oo lala eegtay Hoyga Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey iyo dil loo geystay Taliyihii ciidamada Nabadsugida degmada Shibis.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.