Xafiiska AU Qeybta qaabilsan Somalia oo loo raray Magaaladda Muqdisho

43

Danjire Mahamat Saleh Annadif Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiska Qaramada Midoobay gaar ahaa Qeybta Qaabilsan Somalia uu maanta u wareejiyay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia

Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in Xilligaani Magaaladda Muqdisho ay noqotay Magaalo amaankeeda lagu kalsoonyahay waxa uuna sheegay In Xafiiska Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu rareen magaalada Muqdisho oo mudooyinkaani laga dareemaayay amaan leysu haleyn karo sida uu hadalka u dhigay

Danjire Mahamat ayaa sheegay in muddadii saddexda bilood ee uu xilka hayay ka howlgalayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, balse iminka ay mudantahay in Xafiiska laga Furo Magaaladda Muqdisho uu u ku sheegay inay tahay halka loogu tala-galay Xafiiska

Si kastaba ha ahaatee Danjire Mahamat ayaa tilmaamay inay soo dhaweynaayan Amaanka iminka ka dhashay Somalia waxa uuna sheegay inay kaalin ka qaadan doonaan xoojinta amaanka iyo horumarka dalka Somalia

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.