Nigeria Oo Markii Seddexaad Ku Guuleysatay Koobka Qaramada Afrika

48

Xulka Nigeria ayaa ku guuleystay koobka qaramada Afrika markii sadexaad abid ,kadib markii ay guul cariiri ah ka gaarance xulka Burkino faso.

Nigeri oo koobkan horey uqaaday sanadihii 1980 iyo 1994 ayaa caawa 1-0 kaga adkaatay xulka Burkino Faso .

Labada wadan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan inkastoo Nigeria ay xoogaa ka fir fircooneed Burkino Faso .

Xulka Nigeria ayaa goolka uga mahad celinaya xidigooda Sunday Mba oo udhaliyay daqiiqadii 40 aad ee qeybtii hore.

Xidigaha Burkino Faso oo markii ugu horeysay soo gaaray Final-ka koobka qaramada Afrika ayaa isaga dhex ilmeeyay garoonka markii lagu dhawaaqay seeriga ciyaarta.

Macalinka xulka Nigeria Stephen Keshi ayaa noqday ninkii labaad oo ku guuleysta koobkan isagoo ciyaariyahan ah iyo isagoo macalin ah kadib xidigii hore ee Masar Mahmoud Al Gohari.

Madax kala duwan ayaa ka soo qeyb gashay ciyaartaan Final-ka ,waxaana dabaal dagayo waa weyn ay hada ka bilaawdeen magaalooyinka Lagos iyo Abuja ee wadanka Nigeria .

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.