Ururka Dhalinyarada Qaranka oo Muqdisho ku qabtay Munaasabad lagu taageerayay dowladda +Sawirro

71

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu taageerayey waxqabadka Xukuumadda oo ay ka qeybgaleen Wasiirro, duqa magaalada Muqdisho,agaasimiyaal, Haween,dhalinyarro iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa maanta lagu qabtay Hoteelka City Palace ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Nuur oo ugu horeyn Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in munaasabaddan sababta ay u qabteen ay tahay inay muujiyaan sida dhalinyarada Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin waxqabadka Xukuumadda xiligan islamarkaana ay bogaadinayaan iney Xukuumadda sii waddo waxqabadka ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

“Runtii waxaan muujineynaa dareenkeena hadii aan nahay dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed,waxaan had iyo goor garab taagannahay Dowladda waayo waxaad la socotiin dhalinyaradu iney yihiin xiligan dadka ugu baahida badan nabadda iyo dowladnimada,nabad iyo dowladnimana waxey ku imaan kartaa iskaashi iyo midnimo sidaas ayaanna dowladda u garab taagannahay mar walba”ayuu yiri Gudoomiyaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed Mudane C/llaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Dr Maryan Qaasim oo maanta ka qeyb galeysay munaasabad ballaaran ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa halkaasi qudbad dhinacyo badan tabaneysa ka jeedisay ayaa ballan qaaday in wasaaradeeda ay dhawaan dalka oo idil ka her gilin doonto waxbarasho lacag la,aan ah iyo cunno nafaqo leh oo lacag la,aan ah.

Wasiirka Hormarinta iyo Adeegga Bulshada ayaa intaasi ku dartay in ay u muuqato hal malyan oo carruur ah oo ay heli doonaan waxbarasho lacag la’aan ah iyo cunno nafaqo leh wasaaradeeyduna qorshahaasi ay mel wanaagsan u mareyso.

Gudoomiyaha gobalka banaadir oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa dardaaran adag u jeediyay dhalinyaradii umadda mustaqbalkeedu ay tahay dhalinyarada kulankaasi soo qaban qaabisay isagoo ka codsaday iney is garab taagaan nabadda iyo hormarka dalka dhib u dhiskana ay qeyb ka qaataan.

Batuulo Sheekh Axmed Gabale Gudoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo qudbad kooban ka jeedisay madashaasi ayaa waxa ay sheegtay in Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada looga fadhiyo sidii ay usoo celin laheyd adeegayadii bulshada muhimka u ahaa sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Munaasabadaan ballaaran ay soo qaban qabiyeen ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa eheyd mid lugu taageerayey waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka soo qeyb galay wasiirro,mas’uulinta gobalka,agaasimiyaal,dhalinyaro iyo haween ayadoo munaasabadanna ay qeyb ka tahay munaasabaddo lagu taageerayo waxqabadka Xukuumadda oo dalka gudihiisa iyo dibadda lagu kala qabtay.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada qaranka ayaa gudoonsiiyay shahaado sharaf Wasiirada Wasaarada Adeega guud ee Bulshada, Duqa Magaalada Muqdisho, Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Agaasimaha Wasaarada Howlaha guud.

 

 

 

 

 

 

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.