Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka oo dalabaday in si deg deg loo sii daayo Wariyaha la xukumay

55

Gudiga xuquuqul Insaanka Baarlamaanka ayaa ka hor yimid xukunkii xabsiga ee Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku riday Wariye C/casiis Koronto iyo haweeneydii dhibanaha aheyd ee la kufsaday.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Gudoomiyaha gudiga xuquuqul Insaanka Baarlamaanka ayaa sheegtay in si deg deg ah loo sii daayo gabdha iyo wariyaha la xiray.

Waxaa ay dalbatay in raali gelin la siiyo gabadha iyo wariyaha la xukumay, waxaana ay ku baaqday in la magacaabo gudi kiiskan si dhab ah u soo baara.

Dhinaca kale Gudoomiyaha xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegay in talooyin ay u jeediyeen Maxkamada Gobolka Banaadir, si dib loogu noqdo kiiska ku saabsan kufsiga ee xukunka ku dhacay.

Si kastaba ha ahaatee go’aankan ka soo baxay Gudiga xuquuqul Insaanka Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii hore Maxkamada Gobolka Banaadir ay min hal sano ku xukuntay wariye C/casiis Koronto iyo Haweeney la kufsaday oo uu wareystay Wariyuhu, hase ahaatee Maxkamada ku eedeysay inuu ahaa kufsi la been abuuray.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.