Meydka nin dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay koofurta Gaalkacyo

45

Maydka ruux dhalinyara ah oo si xun loo jirdilay ayaa saaka lagu arkay duleedka koofureed ee magaalda Gaalkacyo ee gobolka Mudug,  iyadoo saraakiisha amniga Gaalkacyo ay ka hadlen falkaasi.

Meydka ninkan oo la garan waayay ayaa saaka lagu arkay meel 12 Kiilo Mitir koofur kaga toosan magaalada Gaalkacyo,  waxaana ka muuqday astaamo muujinaya in la jirdilay,   iyadoo inta garbaduub loo xiray kadibna lagu dhuftay dhowr xabadood.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/Sare Maxamed Nuur Cali ayaa Radio Muqdisho u sheegay in la garanayo marxuumka la dilay,  isagoo tilmaamay in uu ka mid ahaa bulshada ku nool koofurta magaalada Gaalkacyo wuxuuna intaa ku daray in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan ciddi ka dambeeyay falkaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa ballanqaaday in ay gacanta ku soo dhigidoonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilka ninkan dhalinyarada ah ee saaka meydkiisa la helay,  waxaana lagu wadaa in manta lagu aaso isla magaalada Gaalkacyo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.