Axmed Madoobe oo ka walaacsan maamul u sameynta Kismaayo

50

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ku meel-gaarka Maamulka Kismaayo Axmed Madoobe uu ka walaacsanyahay Maamul u sameynta Magaaladda Kismaayo

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dadka kunool magaaladda Kismaayo ugu baaqay inay iska celshaan Masuuliyiinta Xukuumadda Somalia oo iyagu doonaayo inay Kismaayo ka sameeyan Maamul ka duwan kan iminka haaya talada Kismaayo, waxaana jira kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Masuuliyiin ka kala socda IGAD iyo Qabaa’ilka dega Kismaayoo kaasoo la sheegay in looga taqluusinaayo Amarada kasoo baxay Xukuumadda Somalia oo dhawaan ku mashquulsaneyd maamul u sameynta Kismaayo

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa isagu aaminsan in Magaaladda Kismaayo uu isaga leeyahay taasoo ka careysiisay Qabaa’ilka kunool Gudaha iyo daafaha Magaaladda Kismaayo

Si kastaba ha ahaatee Qabaa’ilka kunool Magaaladda Kismaayo oo garabsanaaya Xukuumadda Somalia ayaa si cad uga soo horjeestay rabitaanka Axmed Madoobe ee ku aadan in Magaaladda Kismaayo uu ka dhigo Magaalo u gaar ah hal reer.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.