Mahiiga oo ka digay in Kismaayo laga sameeyo maamul aysan ogeyn Xukuumadda

46

Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somalia Agustina Mahiiga oo iminka ku sugan Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay aysan aqbali doonin in Magaaladda Kismaayo looga dhawaaqo maamul aysan dhisin Xukuumadda Somalia waxa uuna sheegay Mahiig in Kismaayo ay ka taliso Xukuumadda Somalai islamarkaana aysan raali ka ahaan doonin in laga dhiso maamul hal dhinac u jaran-jeera

Mahiiga ayaa tilmaamay in Magaaladda Kismaayo ay kamid tahay Somalia islamarkaana ay masuuliyad ka saarantahay Xukuumadda Somalia in Kismaayo ay ka dhisto maamul loo dhanyahay oo ay ku mideysan yihiin gabi ahaan Qabaa’ilka kunool

Mahiiga ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Somalia looga baahanyahay inay xarumo ka hirgaliso Gudaha iyo daafaha Magaaladda Kismaayo si ay goob-joog uga ahaato wax waliba ee ka dhaca Kismaayo, waxa uuna sheegay in Ciidamada Kenya ay Kismaayo u joogan nabad-sugid lana filaayo inay ku wareejiso Xukuumadda Somalia

Si kastaba ha ahaatee Mahiiga ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay ka bixi doonan Kismaayo loona baahan yahay in Kismaayo laga sameeyo maamul u cuntama Qabaa’ilka degan Kismaayo iyo Xukuumadda Somalia.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.