Baraf iyo dabeylo xoogan oo saameeyay Waqooyiga Mareykanka

40

Baraf iyo dabelyo xoogan ayaa saameeyay waqooyi bari dalka Mareykanka, iyadoo Gobolo badan uu soo wajahay koronto la’aan iyo xaalado kala duwan.

Dabeylahan iyo barafka is wata ayaa gil giolay Gobol dhaca xeebaha bari ee dalka Mareykanka, waxaana laga soo saaray xaalad deg deg ah.

Saldhiga korontada ee nuckliyeerka ee Massachusetts, waxaana malaayiin ruux ay guryahooda ku hakadeen, kadib markii digniino la soo saaray.

Dabeylaha iyo barafkan ayaa waxay hakad geliyeen duulimaadyo badan oo isaga kala gooshi lahaa magaalooyinka Marka iyo dalalka kale.

Malaayiin qof oo degan Massachusetts, Rhode Island, Connecticut, New York iyo Maine ayaa loo sheegay inay gurigooda joogaan.

Dabeylo ayaa soo riday geedihii iyo tiirarkii korontada, ilaa hal meter oo baraf ayaa la filayaa inuu meelaha qaar ka da’o, waxaana taasi keentay in duulimaadyadii oo dhan inay istaagaan sida Tareenadii dhulka hoostiisa marayay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.