Puntland oo ku eedeysay Siyaasiyiin ka soo jeeda inay ku lug leeyihiin amni darada

31

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay siyaasiyiin uu ka mid yahay C/llaahi Siciid Samatar inay ku lug leeyihiin amni darada ka jirta deegaanada Puntland iyo weeraro dhowaan ka dhacay Boosaaso.

Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa sheegay inay jiraan kooxo wada qal qal iyo abaabul ka dhan ah amniga Puntland, isagoo ku hanjabay inay tallaabo ka qaadayaan.

“Amni darada waxaa ka dambeeya iyo dagaalka C/llaahi Siciid Samatar oo horay u ahaa Wasiirkii Amniga Puntland iyo nin la yiraahdo Liibaan Muuse Boqor, cid kasta oo ku eedeysan amni darada waxay hor imaan doontaa sharciga xisaab dhab ah ayay tageysaa”ayuu yiri C/samad Galan.

Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan Puntland inay ka feejignaato abaabulada iyo kacdoonka ay wadaan dad gaar ah, isagoo ka dalbaday inay ka qeyb qaataan adkeynta nabadgelyada.

Dhinaca kale C/llaahi Siciid Samatar oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda muddo kororsiga Madaxweyne Faroole ayaa beeniyay inuu ku lug leeyahay falalka amni darada, isagoo wax laga yiq-yiqsado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Mas’uuliyiinta Gobolka Bari.

Banaan baxyo looga soo horjeedo muddo kororsiga Faroole ayaa dhowaan ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, iyadoo Ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen dad ku lug lahaa banaan baxyada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.