Hillary Clinton oo Madaxweynaha Maraykanka noqon doonto sannadka 2016 (Warbixin)

56

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Hillary Clinton, ayaa la sheegay inay ugu shacbiyad badan tahay Siyaasiyiinta dalkaasi, kana wanaagsan tahay Madaxweynaha Xilligan, Barack Obama iyo Ku-xigeenkiisa Joe Biden.

Daraasaad Sahan Qaran oo ay Jaamacadda Quinnipac University shaacisay Jimcihii shalay, ayaa lagu sheegay inay Hillary Clinton oo u dhaxda Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, Bill Clinton inay hayinka u hayso Siyaasiyiinta ugu shacbiyadda badan Maraykanka “The most popular US politician”

Daraasaadda ayaa muujisay in 61% dadka Maraykanka ee Sahanka codbixinta dhiibtay ayaa xaqiijiyey inay Hillary Clinton oo ka tirsan Xisbiga Democratic suurtogal tahay inay noqoto Musharaxa ku guuleysanayo Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka Maraykanka ka dhici doonta sannadka 2016.

34% aya sheegay inay rumeysan yihiin inaysan mar kale dib ugu soo laaban doonin Siyaasadda, inkastoo ay dadkaasi intaasi raaciyeen inay suurtogal tahay Dib-u-soo-laabashadeeda.

Siyaasiga kale ee ugu shacbiyadda badan Maraykanka ayaa ah Madaxweyne Obama, iyadoo  Sahanka cod-ururinta ka helay 51%  oo ammaantay iyo 46% aan la dhacsanayn.

Ku-xigeenkiisa, Joe Biden oo 70-jir ah ayaa isagana damac ugu jiraa Doorashadda Madaxtinimadda ee 2016-ka, wuxuuna daraasaadda muujisay inay 46% dhibco fiican u rajeeyeen, iyadoo 41% ma taageerin.

 

Agaasime-ku-xigeenka Jaamacadda The Quinnipiac University Polling Institute, ayaa sheegay inay natiijadda sahankooda muujinayo in Dib-u-doorashadii Madaxweyne Obama ee bishii November ee sannadkii hore inuu Maraykanka si dhaqso leh ugu laabanayso Siyaasadda Xisbiyadda.

Codbixinta waxaa kaloo lagu xusay Siyaasiyiinta ugu cadcad Xisbiga Republican ee ay Xisbiga Democratic xifaltamaan.

Xisbiga Re[ublican waxaa ugu cadcad Marco Rubio oo ah Senator laga soo doorto Gobalka Florida, kaasi oo Musharax madaxweynenimo ah afar sanno kadib.

Waxaa kaalinta Labaad ku xiga Guddoomiyihoii hore ee Gobalka Florida, Jeb Bush oo ay Aabihiisa George Bush Sr  iyo Wlaalkiisa George Bush Junior mar Madaxweyneyaal ka noqday Maraykanka.

Xisbiga Republican waxaa kaalinta saddexaad ku jira Afhayeenka Aqalka Senedk, John Boehnar, iyadoo uu ku sii xiga Paul Ryan

Sahanka Cod-ururinta ee lagu qiimeeynayey Siyaasiyiinta ugu shacbiyadda badan dalka Maraykanka, ayaa waxaa codkooda dhiibtay 1,772 qof, kuwaasi oo isdiiwaangeliyey muddadii u dhexeysay bishii January 30th ee la soo dhaafay ilaa iyo Isniintii hore ee la soo dhaafay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.