Madaxweyne Xassan: Caalamka il-gaar ah ayuu ku haaya Somalia

38

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Caalamka uu il gaar ah ku Eegayo Shacabka soomaaliyeed oo 21-Sano dhibanaa, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in Caalamka ay la yaaben Somalia oo mar qurah isbedeshay waxa ay sheegen in Somalia ay Gurmad u baahantahay

Xasan Sheekh Maxamud  ayaa sheegay in xiriirka ay dowladiisu la leedahay dalalka caalamka uu soo hagaagayo maalinba maalinta ka dambeysa, waxa uuna tilmaamay in Xiriirkaasi ay tahay mid wax loogu qabanaayo Umadda Soomaaliyeed, maadama Somalia ay kasoo hagaageyso xaaladdii ay ku jirtay 21-Sanno

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka soomaaliyeed kuwa kunool dalka iyo dibadiisa looga bahanyahay inay garab siiyan Xukuumadda Somalia si loosii dhameystiro inta ka harsan Xiriirka Caalamka kala dhexeeya Somalia

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay dowladdiisu ku dadaali doonto in ay dalalka caalamka la yeelato xiriir hagaagsan oo dhan walba leh,Shacabkana loo baahanyahay inay qaatan kaalintooda ku aadan dhismaha Dalka iyo suggida amaanka.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.