Emailka Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo la jabsaday

28

bush_email_hacked.jpg.size.xxlarge.promo

Baarayaasha dambiyada Dalka Mareykanka ayaa ku howlan sidii ay u ogaan lahaayen dadkii ka dambeeyay in la jabsado imeylada ay lahaayen Qoyska Reer Bush

Imeylada la jabsaday ayaa laga dhex helay Warqado qoraal ah oo ay isku diraayen labada Madaxweyne ee horay talada dalka Mareykanka usoo qabtay waxa ayna kala yihiin Buush iyo aabihiis

Afhayeenka Qoyska Reer Bush oo magaciisa lagu sheegay (Jim McGrath) ayaa u sheegay Wargeyska lagu magacaabo (The Chronicle) in baaritaano lagu wado kooxihii Jabsaday imeylka.

Jim McGrath Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in uu Bixiyo Macluumaad dheeri ah, waxa uuna sheegay in Qolyaha Jabsaday imeylka lagu magacaabo (The hacker), waxa ayna kooxdaasi soo bandhigeen qoraal iyo sawiro ay ku sheegen inay kala soo baxeen imeylka

Mid kamid ah Tuugada Jabsatay imeylka ayaa isku tilmaamay inuu yahay ruux rugcade ah, waxa uuna sheegay in mudda ah inuu isha ku haayay imeylkaasi kana fakiraayay sidii uu u jabsan lahaay

Si kastaba ha ahaatee inta badan tuugada jabsata imeylada ayaa kasoo jeeda Dalka Shiinaha waxa ayn todobaadkii lasoo dhaafay isku dayeen inay jabsadaan Wargeyska (NYT) hayeeshe kuma aysan guleysan inay jabsadaan wargeyskaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.