Howl gal wada Jir ah oo AMISOM iyo Ciidanka dowladda ay ka sameeyeen Leego

58

Guddoomiyaha Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo u waramayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle Abuukar Cabdalla Isaaq ayaa waxa uu sheegay in howl gallo lagu sugayay ammaanka deegaankaasi ay si wada Jir ah u fuliyeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Korneel Abuukar Cabdalla Isaaq ayaa waxa uu tilmaamay in howl galkii ugu dambeeyay ay ku soo qab qabteen Koox ku howlan falal dhac ah oo ay ugeysanayeen dadka Shacabka ee Isticaamaka deegaankaasi Leego.

Korneel Abuukar cabdalla Isaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in haatan ay soo qabteen illaa seddex askari oo uu sheegay in falal dhac ah ay ku howlanaayeen isagoo tibaaxay in dhawaanna Muqdisho loo soo wareejin doono si caddaalada loo marsiiyo.

Si kastaba howl galkaan wada jirka ah ee Ciidamada AMISOM iyo Dowladda ay sida wada Jirka ah uga sameeyeen deegaanka Leego ayaa wax badan ku soo kordhin kara isku halleynta wadada marta deegaankaasi shacabka iyagu ku safra ee horay ugu xakaaray falalka dhaca ah ee halkaasi loogu geesto

 Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.