Deeq la gaarsiiyay Isbitaalka B/weyne

27

Cisbitaalka Guud ee magaalada B/weyne ee gobalka Hiiraan ayaa maanta la gaarsiiyay kaalmo ay iska soo uruuriyeen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa kadib markii howlihii cisbitaalkaasi ay ka heysay hayadda MSF Speyn ay faarujisay Cisbitaalkaasi.

Deeqan maanta la gaarsiiyay Isbitaalka ayaa waxaa loo wakiishay Hay’adda Maama Caasha  fondion, iyadoo deeqan ay iska soo aruuriyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa, waxaana ay isugu jirtay qalab iyo dawo.

Deeqdan la gaarsiiyay isbitaalka ayaa waxaa lagu wareejiyay Dr Xasan Cumar Siyaad oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka magaalada B/weyn, isagoona uga mahad celiyay hay’adda Maama Caasha.

Isbitaalka Magaalada B/weyne ayaa waxaa horay gacanta ugu hayay hay’adda MSF Spiny waxaana hay’addu ay joojisay gabi ahaanba adeegyadii caafimaad oo ay ka waday Isbitaalka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.