Maxaa ka jira in Kenya ay la baxayso qayb ka mid ah Ciidamada ka joga Jubboyinka

60

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay yareyn doonto ciidamadeeda jooga gudaha dalka Soomaaliya 20% todobaadyada soo socda, marka loo eego warbixin ay soo saareen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna dowladda Kenya intaasi ku dartay in tiro yar oo maamusha Kismaayo oo keliya ay ku reebi-doonaan.

 

Wargeyska Daily Nation ee ka soo dalka Kenya ayaa daabacay war sheegayey in hal batalyan oo ah 850-askari oo u dhashay dalka Sierra Leone oo horay loo qorsheeyay in lagu soo daro ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya bishan February ama March ay ku soo biiri-doonaan, markaasi ka dibna ay ciidamada Kenya intooda badan ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.

 

Dowlada Kenya waxaa ciidamada AMISOM kaga mid ah 4,652 askari kuwaas oo la saxiixay ka mid ahaanshiyahooda bishii November ee sanadkii dhamaaday, inay AMISOM ku soo biiraan, waxaana xoghayaha Qaramada Midoobay Banki Moon uu u sheegay Golaha Ammaanka in la rajeynayo in laga doodo todobaadka soo socda.

 

Qorshaha yareynta ciidamada Kenya ee ka jooga Soomaaliya ayaa imaaneysa iyadoo Qaramada Midoobay ay u balanqaaday inay Kenya ay siisay dhaqaalo gaaraya 132-milyan  oo doolar oo la isku raacay in la siiyo ciidamada Kenya bisha July si magdhow ahaan, waxaana la sheegay in Qaramada Midoobay ay bixisay illa hadda inka yar hal million oo doolar, waxaana safiirka Kenya ee Qaramada Midoobay Macharia Kamau uu u sheegay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in dib u dhigidDa bixinta dhaqaalaha ay horey u qorsheysay  ay tahay mid aan la aqbali karin oo aan suurtagal aheyn.

 

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay xaqiijiyeen amaanka dekadda Kismaayo iyo magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kalena ay ku suganyihiin deegaano kale oo Jubbooyinka ka tirsan, waxaana dhinaca kale jira warar sheegaya in sababta ay Kenya ciidamadeeda u dhimeyso ay la xiriirto cabsi ay ka qabto rabsho ka dhaca gudaha dalka Kenya xilliga doorashada madaxtinimada dalkaasi oo ku beegan bisha soo socota Maarso.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.