Maamulka Puntland oo sheegay in aad loo adkeeyay amaanka magaalada Boosaaso

32

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aad loo adkeeyay amaanka magaalada Boosaaso ayadoo tilmaamtay in haatan ay jiraan dad sita baasaboore wadamo kale kuwaas oo ku howlan falal amaanka lid ku ah.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari C/samad Maxamed gudoomiyaha gobolka Bari ayaa waxa uu ku sheegay in aad loo adkeynayo amaan gobolka Bari, isagoona intaasi ku daray in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidii lagu soo qabta falal amaanka ka baxsa.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay jiraan dad sita baasabooro wadamo kale kuwaas oo ku howlan falal amaanka ka baxsan laguna raad joogo haatan.

Hadalkan ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Bari ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalintii shalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ay ka dhaceen mudaharaado looga soo horjeedo maamulka Puntland.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.