DAAWO SAWIRRADA: R/wasaaraha oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay xeerka Isgaarsiinta dalka

36

Kulanka waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafint, Boostada Isgaarsiinta,  iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” wasiirka Warfaafhinta, Boostada, Isgaarsiin iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciil-mooge Xeris, wasiir ku xiggeenkiisa mudane Ibraahim Isaaq Yaroow, mudaneyaal ka tirsana Baarlamaanka Soomaaliya, madaxda shirkadaha Isgaarsiinta dalka, fananniinta hobollada Qaranka Waaberri iyo marti heer caalami ah.

waxaana looga tashanayay xeerka nidaaminta Isgaarsiinta iyo Warbaahinta waddanka uu leeyahay, iyadoo uu socon doono muddo laba  maalmood ah, furitaanka shirka waxaa khudbad ka jeediyay kulanka wasiirka Warfaafinta mudane C/llaahi Ciil-mooge Xersi, isaga oo faah faahin ka bixinaya qaar ka mid ah qodobbada xeerka ee ay soo saartay Wasaaraddiisa.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si weyn uga mahadceliyey shirkadaha Isgaarsiinta dalka doorkii ay qaateen mudadii adkeyd ee uu dalka soo maray, isla markaana Isgaarsiinta Soomaaliya ka jirta ay aad uga horumarsan tahay waddammo badan oo adduunka ah.

Dhinaca kale Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa soo jeediyay in shirkadaha Isgaarsiinta dalka ay sameeyaan Sanduuq dhexe oo ay taageero Maaliyaddeed ugu shubaan dowladda dhexe, markii ay gutaan waajibaadka lagu leeyahay ee ah bixinta cashuurraadka kaddib, taasi oo uu sheegay in ay u noqon doonto Taariikh Baal dahabka u gasha shirkadaha Isgaarsiinta.

Shirkan wada-tashiga ah waxaa lagu dhegeysan doonaa mudada uu socdo fikirka iyo tallooyinka ay soo jeediyeen madaxa shiradaha Isgaarsiinta iyo sidoo kale warbaahinta xorta ah oo qeybtooda berri sidan oo kale uu uga dhici doona magaalada Muqdisho, waana markii uu horeeysay ee ay dowladda Soomaaliyeed xeer caalami ah u dajisho Isgaarsiinta iyo Warbaahinta bur-burkii Soomaaliya kaddib.