DAAWO SAWIRADA. 21 Arday oo ka qalinjabisay Heerka Jaamacadeed ee Master-ka oo Khartoum Xaflad ku dhigatay

31

21 arday oo ka qalinjabiyay heerka cilmiyeed ee Master-ta ayaa waxa ay isugu jiraan Arday soo baratay  Taqasusada  Kala duwan oo ay Jaamacadaha Bixiyaan .

Ardayda 21 ah oo dhigtay Xaflad ballaaran oo ay ku maamuusayeen Qalinjanintooda ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal Arday ah  oo Sudan wax ka barata, Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Sudan ku sugan  iyo Madax ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan oo uu hor kacayay C/qaadir Maxamuud cali Guulane.

Hadalo Badan oo laga jeediyay Inta ay socotay Xafladaas  ayaa waxa lagu sheegay in Ay amaan u tahay Soomaaliya in tiro intaan la eg oo heerka jaamacadeed ee master-ta dhamaysay ay u qalin jabiyaan.

Xuseen Maxamed Ibraahin (Xusen qoobey)  oo ka mid ahaa Ardayda qalinjabisay ayaa Idale News kula hadlay Goobta xafladda ka socotay waxa uuna sheegay in ay Farxad tahay in ay halmar Ardaydaas isla qalin jabiyaan, hasayeeshee  Ardayda Master-ka dhamaysay Sanadkan ay ka badan yihiin 21kan Arday.

sidoo kale Shaafici C/nuur Jaamac iyo Guuleed C/laahi Raage oo iyagana Idale News la hadlayay ayaa Tilmaamay in dareenkooda aad u kacsan yihiin ayna Doonayaan in Aqoontooda ay Dalkeena Hooyo wax ugu qabtaan.

Qalinjanintaan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xili sanadkii  lasoo dhaafay ay sidan oo kale u qalin jabiyeen tiro Arday ah oo gaaraysa 400 oo ka qalin jabiyay heerka 1-aad ee Jaamacada ee Bajulaarka.

waxaana mararka qaar jirta in Arday iyaguna barta Heerka Ph.D ay sudan ka qalin jabiyaan.