Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo kulamo la leh qeybaha bulshada ee magaalada Kismaayo

47

Xildhibaannada Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa magaalada Kismaayo kulamo kula qaatay waxgaradka, siyaasiyiinta iyo guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada,  ayadoo kulamadaasina looga hadlayey xaaladda ay dadweynuhu ku sugan yihiin iyo baahiyada ay qabaan.

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ah mudanayaasha ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada socdaalkooda ay tahay u kuurgelida xaalada nololeed ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi,  isagoo tilmaamay in ay kulamo gooni gooni ah la leeyihiin qeybaha bulshada iyo maamulka KMG ah ee ka jira magaalada Kismaayo.

C/rashiid Xidig oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in marka uu baarlamanka fasaxa ka soo laabto ay hordhigi doonaan warbixinadii ay ka soo ururiyeen magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubbooyinka.

Iyadoo xiligan uu fasax ku jiro Baarlamanka Soomaaliya ayaa mudanayaashu waxa ay u kala safreen deegaanada ay ka soo kala jeedaan si ay uga keenaan warbixin guud marka uu furmo kalfadhiga Labaad ee Baarlamanka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.