Madaxweyne Axmedinajaad oo indhaha looga dhuftay kabo

31

Maamulayaasha dalka Masar wxay damiin ku sii daayeen dhowr qof oo Masaari ah oo la sheegay inay Madaxweynaha dalka Iiraan, Mohamoud Ahmadnejadi ku tureen kabihii ay wateen.

Hadal ka soo baxay Boliska Masar, ayaa sheegay inay qabteen afar nin oo ka tirsan Kooxda Salafiya, kuwasi oo kabo ku tuuray Madaxweynaha Iiraan oo xilligaasi booqasho ku marayey Xarunta Al-azhar Shariif ee magaalladda Qaahira.

Hadal ka soo baxay Xeer-ilaalinta dalkaasi ayaa lagu sheegay inay afar qof oo Sunniyiinta Muslimka ah ay qeyb ka ahaayeen Dibadbixii looga soo horjeeday Ahmednejaadi.

Dhacdadan ayaa waxaa kaloo ku xigtay isku-day uu nin kale ku doonayey inuu Madaxweynaha Iiraan ku dhufto kabo, mar uu Azmednejadi ku lugeynayey meel ku dhow Masjidka Qaddiimiga ee ku dhow ALazhar

Muuqaal Video ah ayaa laga daawaday nin ka sii gudbaya Ciiddankii Ammaanka, isla markaana isku-dayey inuu Ahmednejadi madaxa ka garaco, ka hor intaysan Ilaaladda la cararin Madaxweynaha.

Ma aha markii ugu horreysay oo Madaxweyne Qaran lagu tuuro kabo, tamaandho iyo ukun, iyadoo Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George Bush  Yarihii lagu weeraray kabo xilli uu booqanayey caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.