Hay’adda Sirdoonka Maraykanka oo Saldhig ay Diyaaradaha Bilaa-duuliyaha ka hawlgalaan ku leh dalka Sacuudiga

29

Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah u isticmaalayso Saldhig Diyaaradeed oo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga, iyadoo  ay halkaasi ka hawlgalaan Diyaaradaha aan Duulliyaha lahayn ee weeraradda ka geysta dalka Yeman.

Dowladda Sacuudig way ka gaabsatay inay xaqiijiso warar sheegayey in Diyaaradahaasi loo adeegsaday weerarkii lagu dilay Hoggaamiye ka tirsanaa Alqaacidada Gacanka Caarbeed, Anwar Al-awliki oo haystay dhalashadda dalka Maraykanka bishii September ee sannadkii 2011.

Sidoo kale Dowladda Sacuudiga iyo Wrbaahinyooda midnaba kama hadlin weerarkii lagu qaaday  Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Ururka Alqaacidada Gacanka Carbeed, Saciid Alshehri, kaasi oo bishii hore u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray Duqeymaha Droneska ka geystaan gudaha dalka Yeman.

Dowladda Maraykanka waxay ka codstay Warbaahinta Maraykanka inay shaacinin halka uu ku yaallo Saldhigga ay Diyaaradaha Droneska ee ay CIA-da ku leeyihiin gudaha dalka Sacuudiga, waxayna ka digtay inay taasi waxyeello u geysan karto Iskaashiga Maraykanka iyo Sacuudiga ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.

Laakiin, Warbaahinta dalka Iiraan ayaa shaaciyey Weeraradda ay Diyaaradaha Droneska Maraykanka ka soo qaadaan Saldhigga Diyaaradeed ee Sacuudiga ku yaallo, iyadoo inta badanweeraradaasi lala beegsado xubnaha Alqaacidada ka hawlgasha gudaha dalka Yeman.

“Diyaaradahan waa kuwo aan lahayn Duuliye, mna aha sidii Diyaaradihii Maraykanka ee ka duuli jirey Saldhigga Diyaaradaha ee Prince Sultan” ayuu yiri Mustafa Alani oo ka tirsan Baarayaasha Xarunta Gacanka Carbeed  “The Gulf Resaerch Center” oo ku taalla magaalldda Dubai ee dalka Imaaradka Carabta.

“Cidna ma oran karto inay Maraykanka qabsanayaan dalka” ayuu yiri isagoo Wareysi siinayey Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London, wuxuuna intaasi ku daray inuusan filaynin inay dadka wax xiiso ah u haynin arrimahaasi.

Khabiirku waxa uu sheegay in Diyaaradaha Droneska muddo sannaddo ah ka hinqanayeen Garoomo Diyaaradeed oo ku yaalla Dalalka Gacanka Carbeed, wuxuuna xusay in Wararka Hawlgalka Diyaaradahaasi dareen gelinayo Iiraan iyo Jihadistayaasha oo keliya.

Joogitaanka Ciiddamadda Maraykanka eek a hawlgeli jirtey Saldhiga Diyaaradaha ee King Sultan ee magaalladda Khobar ee Bariga dalka Sacuudiga waxaa loo daadgureeyey lana dejiyo Saldhig ku yaalla dalka Qatar.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.