Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xarig iyo dil ku xakuntay Eedeesanayaal

45

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday Tira dad ah oo tiradooda lagu sheegay 13-Ruux oo ay Maxkamada ku sheegtay inay geesteen Dambiyo kala duwan

Maxkamada ayaa ku xukunka ku fulisay Dhalinyaradaasi oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana la sheegaya in 13-Ruux ee la xukumay ay isugu jiraan Rag katirsan Shabaab iyo Ciidamo katirsan kuwa Dowladda

Maxkamada ayaa Afar ka tirsan dadkaasi Ku xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii ay qirteen in ay horey dilal u geyseen gudaha Magaaladda, Sidoo kale waxaa ku jiray ragaasi la dilay nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isagu dilay guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, Marxuum Muxumed Sheekh Xuseen oo ku magac dheera (Marya-cadde)

Sidoo kale Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo sheegay in 9 qof lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya 6 bil ilaa 25 sano taasoo uu guddoomiyaha ku sheegay inay tahay mid uu dhigaayo sharciga u degsan Maxkamadda Ciidamada Qalibka Sida.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.