Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Soo Gebagebeeyey Kulammo Uu La Qaadanayey Qeybaha Bulshada Gobolka Hiiraan

34

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa soo gebagebeeyey kulammo uu magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan kula qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada gobolkaasi.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo Seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyn ayaa kulammadiisa ugu dambeeyey waxa uu la qaatay waxgaradka gobolka Hiiraan oo uu kala hadlay xaaladda guud ee gobolka baahiyada ay qabaan iyo sida ay jeclaan lahaayeen inuu noqdo maamulkooda.

Waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa kulammadii ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed waxey u sheegeen in isbedellada hormarineed iyo nabadeed ee ka jira gobolka gaar ahaanna magaalada Beledweyn uu ku yimid iskaashi ay sameeyeen maamulka iyo shacabka ayaga oo taageerro ka helay ciidammada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti waxaana ay garadku isku raaceen iney ku qanacsanyihiin hanaanka uu u shaqeynayo maamulka gobolkaasi.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda ka warbixiyo waxyaabihii kulammadaasi kasoo baxay ka hor inta uusan kasoo ambabaxin magaalada Beledweyn isaga oo shirjaraa’id ku qaban doona magaalada Beledweyn balse socdaalka Wasiirka uu ku joogo Beledweyn ayaa qeyb ka ah socdaallo ay mas’uuliyiinta Xukuumaddu ku kala tagayeen gobollada Dalka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.