Maamullada Degmooyinka Deyniile iyo Waaberi Oo Sheegay Iney Kaalmaha Hore Uga Jiraan Tartanka Nadaafadda Degmooyinka

25

Maamullada degmooyinka Deyniile iyo Waaberi oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa sheegay iney degmooyinkooda ugu horeeyaan tartanka dhanka nadaafadda ah ee ay ka soconaya gobolka.

Gudoomiyaha maamulka degmada Dayniile Mudane Daahir Tabliiq oo degmadiisa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu dambeeyey ee laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa u sheegay Radio Muqdisho in wixii ka dambeeyey markii uu Ra’isulwasaaruhu ku dhawaaqay tartanka dhanka nadaafadda ah ay degmada dadweynaha ku dhaqan muujiyaan dadaal dhanka nadaafadda ah islamarkaasina ay maanta aaminsanyihiin iney tartankaasi safaka hore uga jiraan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha maamulka degmada Waaberi Mudane Axmed Meyre Makaraan oo isna wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in degmada Waaberi maamulkeeda iyo shacabka ku dhaqan ay si aad u muujiyeen isbedel dhanka nadaafadda ah, isbedelkaasina hada laga dareemayo bilicda degmada iyo sida ay wax iskaga bedeleen.

Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soconaya tartan xoogleh oo dhanka nadaafadda ah ayadoo tartaankaasina uu yimid kadib markii uu dhowaan Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku dhawaaqay dhowaan in degmadii ku hormarta dhanka nadaafadda iyo bilicda ay Xukuumaddu abaalmarin doonto.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.