Inkabadan 600 Arday Oo Siminaar Maanta Muqdisho Loogu Soo Gebagebeeyey

51

Munaasabad Siminaar loogu soo xerayey 600 Arday oo mudo bil ah uu u socday siminaar sare loogu qaadayey aqoontooda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ardayda siminaarkan qaadanayey oo ah Ardayda wax ka barata dugsiga Ibnu Khuzeyma ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta munaasabadda siminaarka loogu soo xerayey lagu qabtay Hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho.

Siminaarkan mudada halka bil ay qaadanayeen Ardayda 600 gaareysa ayaa waxaa siinayey Arday horey uga qalin jebiyey dugsigaasi Imaamu Khuzeyma oo iyagu sameystay jimciyad ay ku mideysan yihiin oo lagu magacaabo Al-Akhaa waxaana munaasabadda gebagebada kasoo qeybgalay macalimiin,waalidiin,mas’uuliyiin iyo Ardayda siminaarka la siinayey qudhooda.

Gudoomiyaha Jimciyadda Al-Akhaa oo ay ku mideysan yihiin Ardayda horey uga baxday dugsiga Imaamu Khuzeyma ayaa tilmaamay iney kasii go’antahay sii wada siminaarrada noocaan ah ee lasiin doono Ardayda dugsigan dhigata waxaana uu baaq u diray dhammaanba dhinacyadii kasoo qeybgalay munaasabadda iney si wadajir ah uga shaqeeyaan Nabadda maadaama hadii nabad helo ay wax walba imaan doonaan.

Qaar ka mid ah Ardayda Siminaarkan nasiibka u yeeshay iney ka faa’ideystaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin fursadda ay heleen islamarkaana ay waxbadan ka faa’ideysteen mudadii uu siminaarkan socday.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah hormarka dhanka waxbarashada ah ee mudooyinkii ugu dambeeyey uu ku talaabsanayo guud ahaanba Dalka ayadoo hadii ay sidan kusii socdaan hormarrada waxbarasho ay dad badani aaminsanyihiin iney soo dedejin doonto dhabaha hormarka ah ee ay umadda Soomaaliyeed hiigsanayaan.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.