Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

42

Xaaladda magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa degan, kaddib markii duhurnimadii maanta gudaha magaalada uu ka dhacay qarax miinada nooca dhulka lagu aaso lagana hago Remut Control-ka ay la kacday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda.

Goob jooge ku sugan xaafadda Calanley ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen ilaa laba ruux, halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood saarnaa gaarigii lala eeganayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa dhawaqiisa laga maqlayay dhammaanba xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo, iyadoo daqiiqado kaddib goobta ay soo gaareen ciidamo ka tirsan xoogagga Raaskambooni, kuwaasi oo sameeyay baaritaanno la xariira qaraxa meesha ka dhacay.

Dhinaca kale sarkaal u hadlay maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qaraxani ay ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray kooxaha nabad-diidka Al-Shabaab, wuxuuna caddeeyay inay kordhinayaan howlgalada ay ku baacsanayaan haraadiga kooxahaasi oo uu sheegay inay gudaha magaalada Kismaayo ka wadaan falal lidi ku ah nabadgelyada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.