Gudigii Farsamada oo Kismaayo kusoo laabtay

39

Waxaa maanta magaalada Kismaayo kusoo laaabtay gudigii farsamada maamul u samaynta Jubbooyinka ee dhawaanahan ku maqnaa dalka Kenya.

Gudigani oo mudo bil ah ku maqnaa Kenya iyo qeybo kale oo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ku maqnaa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Kismaayo.

Waxaa waftiga wehliyey ganacsato, xildhibaano, iyo waliba saraakiil uu ka midyahay Col. Cabdi Mahdi.

Shalay mar uu hadlay gudoomiyaha KMG ah ee maamulka Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu sheegey in dhawaan uu shirka furmi doono, isagoo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in aysan soo magacaabin wax maamul ah, balse ay ka qeybqaadato dhismaha maamul goboleedka Jubbooyinka.

Lama oga xiliga rasmiga ah ee uu shirka furmayo, laakiin waxaa muuqata saansaan in goordhow uu furmi doono.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.