Tartan Orodka Maaratoonka Oo Lagu Soo Gebagebeeyey Magaalada Muqdisho

50

Tartan Orodka Maaratoonka ah oo ay kasoo qeybgaleen ku dhowaad 100 dhalinyaro ah ayaa lagusoo gebagebeeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Tartankan orodka Maaratoonka ah ayaa dhalinyarada kasoo qeybgashay waxey isugu jireen kuwo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir,kuwa agoonta ah iyo kuwo lagasoo xulay iskuullada waxaana ay orordka kasoo bilaabeen dhalinyarada kasoo qeybgashay Hotelka Wehliye ayagoo ugu dambeynna isugu yimid taallada Daljirka daahsoon.

Duraan Axmed Faarax Xoghayaha gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS oo ka hadlay tartankan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay sida tartankan uu u dhacay waxaana uu uga mahad celiyey maamulka gobolka Banaadir sida ay isugu howleen inuu tartankan u dhaco si nabad ah waxaana uu xoghayuhu tilmaamay in talaabadan ay qeyb ka tahay talaabooyinka lagusoo xulayo ciyaartoyda metelli doonta xulka qaranka dalkeenna.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isaguna ka qeybgalay tartankan orodka maratoonka ayaa waxa uu guul usoo hooyatay shacabka magaalada Muqdisho ku tilmaamay in tartankan uu u dhaco si nabad ah waxaana uu Mudane Tarsan xusay in hadii ay sii socoto tallaabooyinka ceynkan ah la heli doono qaran dhameystiran.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii tartankan kaalmaha hore ka galay oo ka kala socday degmooyinka C/casiis,Boondheere iyo Dharkenley ayaa waxey si isku mid ah u xuseen ineysan u fileyn qaabka ay wax u dhaceen inuu tartanku noqon doono amaba ay gaari karaan guullaha ay hada gaareen.

Tartankan Orodka Maaratoonka ah ee lagu qabtay magaalada Muqdisho maanta ayaa qeyb ka ah tartammo mudooyinkan ka dhacayey gobolka Banaadir kuwaasi oo gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS iyo hay’adaha Dowladda si wadajir ah ay isaga kaashanayeen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.