Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

35

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay kadib safarro shaqo oo uu ku tagay dalal ka tirsan caalamka.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxey kasoo degeen duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayadoo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay garoonka kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyagu sitay boorar ay ku qornaayeen Madaxweyne soo dhawoow.

Madaxweynaha oo markii uu kasoo dagay garoonka Aadan Cadde kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in safarkan uu ku tagay dalal caalamka ka tirsan oo uu kalasoo hadlay xiriirka ay Soomaaliya la yeelanayaan iyo sida ay u taageeri lahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tilmaamay in dalalkii uu tagay uu kusoo arkay waxyaabo lagu farxo oo ah sida ay Soomaaliya ugu heelan yihiin caalamka xiligan.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ku kala tegeen dalalka Ethiopia, Belgium,Uk iyo Qaahira halkaasi oo uu madaxweynuhu kaga qeybgalay shirar kala duwan kuwaasi oo Soomaaliya qodobbo quseeyo looga hadlay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka sokoow ka qeybgalka shirar kala duwan uu shirar gaar gaar ah la qaatay Madax ka kala tirsan Midowga Afrika,Midowga Yurub iyo Ra’isulwasaaraha dalka Britain.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.