Qaar ka mid ah Dumarka Soomaaliyeed ee ku nool Holland oo Cabasho iyo qeylo dhaan ka muujiyay Jaad La,aanta (Daawo Muuqaal+Warbixin)

39

Qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inay cabasho iyo qeylo dhaan ay ka muujiyeen qaadka laga mamnuucay dalka Holland ayagoona sheegay inuusan wax dhibaato ah uusan ku heynin jaadka Soomaalida cunta ee ku nool dalkaas Holland.

Haweenkaan Soomaaliyeed oo u waramayey telefishinka HCTV ayaa waxay sheegeen inuusan wax dhibaato ah aysan ku qabin jaadka islamarkaana joojintiisa ay keeni karto dhibaato hor leh, haweenkaan ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax dhib ah ku qabin ragooda cuna jaadka oo ayba jecel yihiin marka ay jaadka cunayaan islamarkaana ay jeclaan lahaayeen in loo fasaxo si ay u qayilaan ragooda iyagoona gebi ahaanba meesha ka saarey inuu jaadka sababo bur bur ku yimaado qoyska, Haweenkaan ayaa sidoo kale waxay shegeen in mamnuucidaas qaadka laga mamnuucay dalka Holland ay keeni karto inuu qiimaha jaadka sare u kaco ka dibna ay arintaas isaga hor yimaadaan ninka iyo naagta isqaba oo ay isku qabsadaan arimaha dhaqaalaha iyo lacagta lagu bixinaayo iibsashada jaadkaas qaaliga noqday.

[vsw id=”Z-dzIEZV-to” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Ugu dambeyntiina iyadoo laga soo bilaabo 5tii bishii hore ee Janaayo ee sanadkaan laga mamnuucay dalka Holland Jaadka ayaa hadana waxaad moodaa inuusan saameyn weyn ku yeelan dadka jaadka cuna ee dalka Holland maadaama wali si caadi ah looga helo dalkaas jaadka iyadoona si tuuganimo ah loogu soo galiya dalkaas oo looga keeno dalka Ingiriiska Sidoo kale ayaa qiimihiisuna uusan wax sidaas u weyn uusan iska badalin iyadoona laka siisto marduufkii 5 euro halka uu markii hore ka ahaa qiimahiiso inta u dhaxaysa 3 ilaa 4 euro taas oo muujinayso inaysan joojintiisu aysan keenin sicir barar xad dhaaf ah oo ku qasbi karo muqayiliinta dalka Holland inay iska joojiyaan gebi ahaantiis, Laakiin intii laga joojiyey qaadka dalka Holland ayaa waxaa jira muqayiliin ka wahsatey raadintiisa taas oo u baahan shaqo badan maadaama aan hada loo heleyn sidii fududeyd ee loo heli jirey intaan laga mamnuucin jaadka dalkaas Holland.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.