Madaxweyne Xassan muxuu ka yiri Ciidamada Britain ee dhawaan la geyn doono Somalia

33

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada la filaayo in dhawaan laga keeno Britain aysan ahayn kuwa Cadow ku ah Amaanka Somalia balse ay amaanka dalka ka qeyb-qaadan doonan

Madaxweynaha oo Habeennimadii xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida Masar ayaa waxa ay wax ka weydiiyen Ciidamada Britain ee la geyn doono Somalia waxa uuna Madaxweynaha ku jawaabay in Ciidamada Britain ay taageero weyn u haayan Somalia islamarkaana ay dalka u imaandoonan inay Taageran Ciidamada Somalia

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Britain ay Tababaro siin-doonan Ciidamada Somalia waxa uuna sheegay in Hishiiska uusan ku ekeyn tababaro bis balse ay ku sameyn doonan dib u dhis iyo Qalabeyn

Dhanka kale wuxuu sheegay Madaxweynaha in heshiiska ay gareen labada dowladood uu u baahan yahay in faah-faahin laga bixiyo, sidaas darteedna la sameeyay koox farsamo oo labada dal kala matalaya oo arrintaas turxaan bixisa

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh ayaa si rasmi ah Habeennimadii xalay u shaaciyay in Somalia ay gashay waa cusub xiligaani loo baahanyahay in Qurba joogta ay gaaran Somalia maadama ayuu yiri Somalia ay gaari doonaan Ciidamo Britain ah taasina waxa uu ku tilmaamay inay ka turjumeyso amaanka Somalia iminka kataagan.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.