Kenya oo lagu amray inay Ciidamo kala baxdo Somalia

29

Golaha amaanka Qaramada Midoobay Qoraal ay kasoo saaren Ciidamada Kenya ee Jooga Somalia ayaa waxa ay ku sheegen qoraalkooda in Dowladda Kenya ay Ciidamo kala bixi doonto Dalka Somalia xilliyada dhaw ee nagu soo beegan

Qoraalka Golaha ay soo saaren ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Xukuumadda Kenya lagu amray inay ciidankeeda ka saarto Somalia %25, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay Golaha QM

Sidoo kale Qoral lagu soo daabacay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalkaasi Kenya lagu sheegay in booska laga bixin doono Ciidamada Kenya lagu buuxin-doono Ciidamo ka socda dalka Siraliyoon oo tiradooda lagu sheegay 850 kuwaasoo la sheegay in iminka loo qeybin doono Saldhigyada laga saari doono Ciidamada Kenya

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Kenya ee la filaayo in dhawaan laga saaro Kenya ayaa waxa ay kusoo beegmeysa xilli Dalka Kenya uu ka dhici doonto doorasho lagu dooran doono Madaxweynaha dalkaasi amri doona sanadaha soo socda taasoo la sheegay inay soo dadajisay in Ciidamo laga saaro Somalia si Ciidamada la saarayo ay u kabana kuwa ku howlan Sugidda amaanka goobaha doorashada ay ka dhaceyso.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.