Faah faahin ka soo baxaya dagaal ka dhacay Gobolka Gedo

28

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Al-Shabaab uu ku dhex maray meel ku dhow deegaanka Busaar oo marar badan labada dhinac ugu dagaalameen.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen goobo Al-Shabaab ay fadhiyeen, waxaana saraaakiisha dowladda ay ka sheegteen guulo.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee ku sugan Gedo ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid qorsheysan oo goobo Al-Shababa isku uruursanayeen ku qaadeen, ayna ka dileen tiro dagaalyahan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qeyb ka ahaa dagaalo si goos goos ah labadii maalmood ugu dhex marayay labada dhinac, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha dagaalada ay geysteen.

Al-Shabaab ayaa kaga sugan Gedo labo degmo, waxaana mudooyinkii u dambeeyay ka jiray xiisado dagaal, markii ciidamada dowladda oo kaashanayay Itoobiya iyo Ciidamada AMISOM ay bilaabeen inay u soo dhaqaaqaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.