Dabley hubeysan oo ku weerartay dad saarnaa baabuur magaalada Garissa

32

Dabley hubeysan ayaa ku weerartay dad saarnaa gaari marayay gudaha magaalada Garissa iyagoo ku dilay hal ruux dhowr kalana ku dhaawacay.

Sida ay sheegeen booliska magaalada Garissa dabley hubeysan ayaa rasaas ku furtay baabuur dhex marayay magaalada Garissa oo u jirta 120km xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Waqooyi Bari Kenya George Losku ayaa sheegay in dadka weerarka geystay ay ujeedadoodu ahayd dadkii saarnaa baaburka ay rasaasta ku fureen.

Magaalada Garissa ayaa sidoo kale lagu toogtay habeenimadii Isniinta askari ka tirsan ciidamada booliska. Lama oga ujeedada ka dambaysa weerarka lagu qaaday dadka saarnaa gaarigan marayay gudaha magaalada Garissa.

Weerarada hubeysan ayaa ku sii kordhayay dalka Kenya tan iyo markii ay dowlada Kenya u direen ciidamo hubeysan gudaha dalka Soomaaliya si ula dagaalamaan ururka xiriirka la leh Alqaacida, waxana uu ururka Alshabaab sheegay in uu weerar aargoosi ah ku qaadayo dowlada Kenya.

Hase ahaatee ma jirto cid sheegatay weerarka lagu qaaday gaarigan, waxana weerarada ka dhaca dalka Kenya mar walba lagu eedeeyaa inay ka dambeeyaan ururka Alshabaab.

Hubka ayaa si fudud lagu helaa gobolka Waqoyi Bari Kenya halkaa oo qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu gaareyso shan boqol oo kun oo ruux.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.