Axmed Madoobe oo sheegay in shirweyne maamul loogu samaynaayo Gobolka Jubadda hoose dhawaan furmayo

24

Hogaamiyaha  Ururka Raaskambooni oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa ka hadlay qorshaha maamul usameynta gobolada Jubooyinka.
Axmed Madoobe  ayaa sheegay in magaalada Kismaayo goordhow uu ka furmi doono shir weyne maamul loo dhanyahay oo raali la isaga yahay loogu dhisayo gobolada Jubooyinka, isagoo  xusay in  beelaha dega gobolada jubooyinka ay ka arinsan doonaan cidii ay udhiiban lahaayeen maaluka lagu wado in loo dhiso Kismaayo.
Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in maamulka loo dhisayo Kismaayo ay udhamaan doonaan beelaha wada dega Jubooyinka, mana jirto buu yiri cid cid ka qabiil ama ka xooga badan.
Dhinaca kale hogaamiyaha ayaa ka hadlay amaanka magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada dhexe, waxaana uu tilmaamay in amaanka uu yahaya  mid wanaagsan oo la isku haleyn karo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.