Burkina Faso oo markii u horeysay taariikhda u soo baxday Finalka Koobka Qaramada Afrika

34

Xulka Burkina Faso ayaa markii u horeysay Finalka Koobka Qaramada Afrika u soo baxday, kadib ciyaartii Sema Finalka ay rigoorayaal 3-2 uga badisay xulka Ghana oo loo saadaalinayay Koobkan.

Ghana ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay markii ay gool ku hormartay, waxaana ay taas ka yeeshay in qeybtii hore lagu kala maro gool iyo waxba ay Ghana ku hogaamineysay.

Hase ahaatee ad-adeyga weeraryahanada Burkina Faso ayaa mar walba suura gelinayay in fursado gool noqda ay keenaan, waxaana ugu dambeyn kubadii bar baraha u keenay ciyaaryahan Bance.

90-kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-1, waxaana 30-daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta aysan natiijo marna ku filnaan in lagu kala baxo.

Laakiin Rigoorayaal loo dhigay labada xul ayaa Ghana ay iska qasaariyeen saddex ka mid ah, halka Burkina Faso ay dhaliyeen saddexdii rigoore guusha u sahashay, balse uu mid ka mid ah ciyaaryahanadooda ka qasaariyay, waxaana ay ku badiyeen 3-2 rigoorayaashi loo dhigay.

Burkina Faso ayaa markii ugu dambeysay ee ay soo gaarto Sema Finalka Koobka Qaramada Afrika ay aheyd sanadkii 1998, xilligaasoo ay reebtay xulka Koofur Afrika.

Xulka Nigeria oo aad u fir fircoon sanadkan ayaa ciyaarta Finalka kala hortagaya Burkina Faso oo ay horay isku soo arkeen ciyaarihii Group-yada, oo ay bar bar dhac gool iyo gool ku soo kala baxeen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.