Qarax miino oo saaka agagaarka Isgoyska Banaadir lagula eegtay Kolonyo ciidamada AMISOM

41

Saddex ruux oo labo ay haween aheyd iyo wiil yar ayaa ku dhaawacmay qarax miino saaka lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM, kaasoo marayay nawaaxiga isgoyska Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Kolonyada Ciidamada AMISOM oo ay la socdeen kuwa Brundi ayaa la sheegay in aanay wax qasaare ah soo gaarin.

Qaraxa kadib ayaa waxaa lagula cararay goobta oo aheyd mid saxmad leh, isla markaana lagu ganacsado, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM.

Isniinti la soo dhaafay ayay aheyd markii Askari Brundes ah uu ku dhintay qarax miino lala eegtay agagaarka Kulyada Jaalle Siyaad, iyadoo Taliska AMISOM uu war ka soo saaray.

Qaraxyada Miino ayaa magaalada Muqdisho mudooyinkii u dambeeyay ka yaraadeen, iyadoo inta badan degmooyinka ay ka dhacaan howl galo ay ka qeyb qaataan Ciidamada Booliska AMISOM iyo Ciidamada nabadsugida.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.