Xoghayaha guud ee QM oo ka xumaaday xukunka Wariyaha iyo gabadha la kufsaday

41

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday xukunka halka sano ee lagu riday haweeneyda Soomaaliyed ee la kufsaday iyo wariyaha wareystay, kadib markii Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku xukuntay min hal sano oo xarig ah.

Ban Ki-moon ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay hubiso dambiyada la xiriira kufsiga, isla markaana si buuxda loo baaro.

Mr. Moon, ayaa sheegay inay lama huraan tahay in xuquuqda haweeneyda dhibanaha ah iyo wariyahaba ay helaan cadaalad iyo garsoor xaq ah, oo ay ku jirto xaqa ay u leeyihiin racfaan inay qaataan, taasina si buuxda loo ixtiraamo.

Beesha caalamka ayaa guux weyn ka muujinaya xariga wariyaha iyo haweeneyda la kufsaday, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay aheyd mid hareysay bulshada caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku andacooneysa in wariyuhu uu been abuuray warbixinta kufsiga oo ay ku tilmaamtay mid aan sax aheyn, markii la sameeyay baaritaan.

Hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaya ayaa ku baaqay in xukunka wariyaha iyo haweeneyda la laalo, isla markaana la sii daayo wariyaha.

Dadka ku xeel dheer arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in xukunkii shalay uu dhabar jab ku yahay in soo afjadirada tacadiyada ka dhanka ah galmada.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.