Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu Wado in uu Kulamo La qaato Qaar ka mid ah Madaxda wadamada Islaamka

52

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay shirka Ururka Islaamka (OIC) oo ka furmay caasimadda Qaahira.

Madaxweynaha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa madaxda dalalka Islaamka ee kasoo qeyb-galay shirka.Talaabadan ayaa qeyb ka ah aragtidda Madaxeynaha ee ku aadan xoojinta ay dowladda Soomaaliya la leedahay dalalka beesha caalamka. Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saraysa in ay xiriir wanaagsan la yeealto dalal fara-badan .

Waxaa kulankaan ku wehliyo Madaxweynaha R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, iyo Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.