Faah Faahinta Socdaalka Ra’isulwasaaraha Ee Beledweyn Iyo Banaanbax Lagu Taageerayo Oo Magaalada Lagu Qabtay

50

Ayadoo ay barqanimadii maanta soo gaareen magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa ay booqdeen goobo dhowr ah oo ka mid ah magaalada Beledweyn ayadoo dhanka kalena uu magaalada ka dhacay banaanbax aad u ballaaran oo ay dhigeen kumanaan dadweyne ah kuwaasi oo si aad ah u taageersan imaanshaha ay Beledweyn yimaadeen Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa.

Intiinii la socotay wararkii hore ee aynu idinkaga soo gudbinay soo dhaweyntii ka dhacday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn kadib waxaa Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa loosoo galbiyey gudaha magaalada Beledweyn ayadoo wadooyinka magaalada ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo caleemmo qoyan iyo Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadda lulayey.

Ra’isulwasaare Saacid iyo wafdigiisa waxey tageen goob ku taala duleedka magaalada Beledweyn halkaasi oo ah goob ay dhowaan weerar kusoo qaadeen Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab islamarkaana lagu gaarsiiyey qasaare xoogan ayadoo markii halkaasi uu tagayna Ra’isulwasaaraha ay halkaasi warbixin ku siiyeen saraakiisha Ciidammada walaalaha Jabuuti oo qeyb ka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Kadib waxa uu Ra’isulwasaaruhu tagay xarunta maamulka gobolka Hiiraan,Xarunta maamulka degmada Beledweyn,Isbitaalka magaalada waxaana Ra’isulwasaare Saacid iyo wafdigiisa ay socod lug ah ku mareen qeybo badan oo magaalada ka mid ah ayagoo ugu dambeynna lug gutagay garoonka kubadda cagta Lamagalaay halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo wafdiga Ra’isulwasaaraha kusoo dhaweeyey dareen farxadeed oo aad u weyn waxaana dadkaasi ay lulayeen calanka quruxda badan ee Dalkeenna.

Ra’isulwasaaraha markii uu dhammaan dadweynihii isku soo baxay salaamay ayaa waxaa garoonka ay Cutubyo ka kala tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa walaalaha Jabuuti kusoo bandhigeen dhoolatus ayadoo dhoolatuskaasina uu ahaa fariin ay gudbinayeen ciidammada ay dhowaan tababarka usoo xireen walaalaha Jabuuti.

Banaanbaxaasi khudbaddo kala duwan ayaa laga jeediyey waxaana xubnihii ka hadlay kamid ahaa Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda waxaana dhammaantood ay wadajir ugu mahad celiyeen ciidammada Walaalaha Jabuuti oo qeyb ka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Hada waxaa xarunta maamulka degmada Beledweyn ka soconaya kulan dhex maraya wafdiga Ra’isulwasaaraha iyo Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan ayadoo kulankana looga hadlayo hormarrada gobolka ka jira iyo sida ay reer Hiiraan ugasii dhaqaajin lahaayeen halka ay wadajirka iyo iskaashiga kusoo gaareen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.