inta badan Xildhibaanadii hore ee Barlamaanka oo la filaayo in dib u soo noqdaan markale

51

Rajadii laga qabey in la helo isbedel iyo siyaasiin masraxa siyaasada Somalia ku cusub ayaa u muuqata mid mugdi sii galaayo ka dib markii ay bilaabatey soo gudbinta liiska xildhibaanada cusub ee ka mid noqon doona barlamaanka inay badidooda yihiin xildhibaanadii hore  waxaana  in dib loo soo magacaabo sabab u ah madaxda sare ee dowlada oo mid kastaa ku dadaalaaya in shaqsiyaadkii la soo shaqeeyey dib u soo celiyaan iyo aysan u hiilan qaranka Soomaaliyeed balse bedelkeeda ay door bideen suurtogalnimada wax kastoo oo keeni kara iney xilkooda ku waayin.

Qaar ka mid ah odey dhaqameedyada ayaan u muuqda kuwa masuuliyadii beeshooda gabay iyagoo talo iyo tusaaleba ka qaata madaxda sare ee dowladda halkii ay iyaga iyo waxgaradka beeshooda wada xaajood iyo wada tashi ku aadan ay yeelan lahaayeen.

 

Haddaba, maxuu noqon karaa isbedelka ku imaan kara xaalada siyaasadeed ee Somalia haddii aan la helin siyaasiyiin hufan, leh dareen wadaninimo, aqoon iyo hogaamin ayey inta badan shacabka Somaliyeed ee gudaha iyo dibada is weydiinayaan?

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.