Maxkamada sare ee dalka oo sheegtay in racfaan laga qaadan karo xukunkii Wariye C/casiis Koronto

48

Maxkamada sare ee dalka ayaa sheegtay in racfaan laga qaadan karo xukunkii shalay maxkamada gobolka Banaadir ay ku riday Wariye C/casiis Koronto oo lagu xukumay muddo hal sano ah isaga iyo haweeney sheegatay in la kufsaday.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv Ceydiid Ilkaxanaf ayaa sheegay in aanay la siyaasadeyn xukunkaas, isagoo xusay in garsoorka uu ka madax banaan yahay hey’adaha kale ee dowladda.

Avv Ceydiid Ilkaxanaf ayaa sheegay in racfaan laga qaadan karo xukunka lagu riday wariyaha, isagoo ugu baaqay warbaahinta inay ka taxadaraan wararka qaar, ayna siyaasada ka taagan Garsoorka Soomaaliya.

“Adeerayaalo Garsoorka ha siyaasadeynina, ka daaya siyaasadeynta aad dhinac raacineysaa, garsoorka waa madax banaan yahay, waa meesha marka la is qabto la isla tago, labadii qof ee iska soo horjeeda u gar naqeysa hadey tahay maamul iyo madani, marka dowladda ha raacinina, garsoorka xukuumada waa ka madax banaan yahay”ayuu si kulul u yiri Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf

Shalay ayay aheyd markii Maxkamada gobolka banaadir ay xukun hal sano ah ku riday Wariye C/casiis Koronto, kadib markii xeer ilaalinta ay ku eedeysay inuu been abuuray kufsi aan jirin.

Hey’adaha saxaafada ayaa xukunkaas ku tilmaamay mid hal dhinac ahaa, isla markaana lagu xadgudbay xuquuqdii marqaatiyeyaasha ee uu Wariyaha iyo gabadha la kufsaday ugu cadeyn lahaayeen in aanay wax dambi ah laheyn.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa walaac ka muujiyay xukunka Maxkamada ku riday Wariye C/casiis Koronto oo wareystay haweeney la kufsaday, balse aanay ka sii deyn warbaahintii uu ka shaqeynayay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.